Qaxooti Ay Dowlad Goboleedka Puntland Ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Ay Ku Celisay Dalka Itoobiya

 

20-10-2021

 

BOOSAASO – Waxaa lagu soo waramayaa in Dowlad Goboleedka Puntland ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ay Qaxooti Itoobiyaan ahaa ay ku celisay Dalkoodii Itoobiya, iyadoo la kaashatay Hay’adda Socdaalka Adduunka ee Qaramada Midoobay ee IOM (International Organization for Migration).

Warka wuxuu ku darayaa in Qaxootiga Itoobiyaanka ah ee dib loogu celiyay Dalkoodii, in ay ku noolaayeen Magaalada Boosaaso.

Tiradooda waxaa lagu sheegay iney ahaayeen 42 Qofood oo kasoo qaxday Jamhuuriyadda Itoobiya isla markaana usoo qaxay Jamhuuriyaadda Soomaaliya; Haatana si nabad-gelyo ah ku gaaray Itoobiya.

Sannad waliba waxaa Magaalada Booaaso ee Jamhuuriyadda Soomaaliya usoo qaxo Kumanaan Rag, Haween, iyo Carruur oo u badan Itoobiyaan, waxeyna doonayaan inay uga sii gudbaan Dalalka Khaliijka, si ay u helaan Furasdo wanaagsan.

Xigasho: Hiran Online

Leave a Reply