Isafgarad Laga Gaaray Isku Dhac Dhawaantan Ka Dhacay Deegaanka Gobadley Ee Gobolkii Banaadir

 

20-10-2021

 

GUBADLEY – Waxaa Isafgarad hordhac ah laga gaaray Isku Dhacyadii Maalmo kahor ka dhacay Deegaanka Gubadley ee Degmada Kaaraan ee Gobolkii Banaadir ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Isku Dhacyadaasoo u dhexeeyay Ciidamo ay kala hoggaamiyaan Saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo kala ah Gaashaanle Sare Saney Cabdulle iyo Gaashaanle Sare Cismaan Xaadoole.

Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa ku guuleystay inuu isu keeno Labadan Sarkaal ee Xurgufta u dhexeeysay, waxaana Gogol uu Maanta u dhigay looga gaaray Isafgarad Hordhac u ah wixii horay u dhacay, isla markaana ay Labada Ciidan muujiyaan Isdhexgal.

Waxaa lagu balamay in Maalmaha soo socda la fidiyo Gogol Ballaaran oo lagu soo gebagabeyno Xurguftii u dhexeysay Labada Sarkaal ee kala ah Gaashaanle Sare Saney Cabdulle iyo Gaashaanle Sare Cismaan Xaadoole.

Qilaaf soo kala dhex galay Labadan Sarkaal ayaa sababay in Ciidamo kala taabacsan Labadooda, uu Dagaal ku dhex maro Duleedka Bari ee Magaalada Muqdisho; waxaana ka dhashay waxyeelo soo gaartay Ciidamadii dagaalamay halka Reerihii degenaana Meelaha u dhow-dhowna ay ka barakaceen.

Xigasho: Jowhar News

Leave a Reply