Howlgalo Laga Sameeyay Degmada Daafeet (Walaweyn)

 

20-10-2021

 

DAAFEET – Ciidamada Xooga Soomaaliya oo ay Wehlinayaan Ciidamada Maamulka Degmada Daafeet (Walaweyn) ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lasoo sheegayaa in Saacadihii lasoo dhaafay ay Howlgallo Isbaaro Qaadis ah ay ka sameeyeen Waddooyinka laga soo galo Degmada Daafeet iyo Waddooyinka looga baxo Degmada Daafeet.

Howlgalka Isbaaro Qaadiska ayaa waxaa horkacayay Guddoomiyaha Degmada Daafeet Ismaaciil Shiikh Abuukar, waxaana laga fuliyay Degaannada Cali Gaad Haakaaw, Ow Cismaan iyo Raama-kuuloow, iyo Waddada aada Magaalada Baydhabo.

Guddoomiyaha Degmada Daafeet Ismaaciil Shiikh Abuukar ayaa wuxuu sheegay in Ujeedka Howlgalka Isbaaro Qaadista uu ahaay Kahortaga Maleeshiyaadka sida Dhuumaaleysgia ah Isbaarooyin u dhigta iyo Kahortaga kuwa sida Sharci Darro ah Hubka ula soo galo Degmada Daafeet.

Ugu dambetstii, waxaa uu Guddoomiyaha uu Dadka Degmada Daafeet uu uga mahadd-celiyay sida ay Maamulka Degmada Daafeet ay ula shaqeynayaan.

Xigasho: Daafeet News

Leave a Reply