Gurmad Deg-deg Ahi Ay Dowladda Xilgaarsiinta Soomaaliya Ay Gaarsiineyso Dad Ay Abaaro Saameeyeen

 

20-10-2021

 

MUQDISHO – Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseyn Rooble ayaa ka hadlay Abaaraha Baahsan iyo Biyo La’aanta ka jirta Degaano dhowr ah oo katirsan Dowlad Goboleedka Jubaland ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Waxaa uu Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta Soomaaliya Mudane Rooble uu sheegay inuu Xanuunka la qeybsanayo Dadka ay Abaaraha Saameeyeen ee ku tabaaleysan Dowlad Goboleedka Jubaland ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta Soomaaliya Mudane Rooble ayaa Carabka ku dhuftay inay Go’aan ku gaareen in Gurmad Deg-deg ah Maalinta Beri la gaarsiinayo Dadka ay saameeyeen Abaaraha, isla markaana la dardar-gelinayo Badbaadinta Dadka dhibaateysan oo u baahan Gurmad Xoogan.

Sidoo kale Maxamed Xuseyn Rooble ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka, Hay’addaha Gargaarka iyo Dadka Soomaaliya in ay ka qeyb-qaataan sidii loo gargaari lahaa Dadka kunool Dowlad Goboleedka Jubaland ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo Xiiligan Abaarta la ildaran.

“Waxa aan xanuunka la qeybsanayaa dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku tabaaleysan Jubaland. Xukuumaddu waxay la gaari doontaa gurmad deg deg ah. Shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha samafalkana waxaan ugu baaqayaa in ay kaalin ka qaataan sidii loo gargaari lahaa walaalheenna abaarta la il daran,” ayuu yiri WK Rooble.

Deegaano dhowr ah oo katirsan Gobolka Jubada Hoose iyo Gobolka Gedo ee Dowlad Goboleedka Jubaland ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxaa ka jiro Abaaro iyo Biyo La’aan Baahsan oo Saameyn Xoogan ku yeeshay Dadka iyo Duunyada, waxaana Dadka ku adkaatay Nolosha, Xoolihii ugu badnaane waa ka le’deen .

Xigasho: Radio Dalsan

 

Leave a Reply