Soo-dhaweyn Loo Sameeyey Danjiraha Cusub Ee Iswiden (Sweden) U Fadhiisanayo Soomaaliya

 

19-10-2021

 

MUQDISHO – Wararka ka imaanaya Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho waxaa ay sheegayaan in Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Xilgaarsiinta Soomaaliya Balal Maxamed Cusmaan uu Nuqul kamid ah Warqadaha Aqoonsiga Danjirannimo, uu Magaalada Muqdisho uga guddoomay Danjiraha Cusub ee Dalka Boqortooyada Iswiden Per Lindgarde (Per Lindgärde) ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Xilgaarsiinta Soomaaliya Balal Maxamed Cusmaan ayaa intii uu Kulanka u socday isaga iyo Danjire Per Lindgarde, ayaa wuxuu u rajeeyay Danjiraha Cusub ee Iswiden ee Soomaaliya in uu ku guuleysto Howsha loosoo xilsaarray; horayna ugu dhaqaajiyo Xiriirka Labo Geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Iswiden si ay u yeeshaan Iskaashi dhow oo Dhinacyo kala duwan leh.

Danjire Per Lindgarde ayaa isna muujiyay sida uu ugu riyaaqsan yahay in Dalkiisa Iswiden uu uga Wakiil noqdo Dalka Soomaaliya, wuxuuna bogaadiyay Xiriirka iyo Iskaashiga Labada Dal, isagoo ku nuuxnuuxsaday inuu ku Dadaali doono sidii loo horumarin lahaa Xiriirkaas si loo gaaro Himilooyinka Guud ee Labada Dal iyo Labada Dad ee Iswiden iyo Soomaaliya ee Wadaayga ah.

Xigasho: Radio Shabelle

Leave a Reply