Dowlad Goboleedka Jubaland Ayaa Sheegtay In La Qabtay Xubno Katirsan Ururka Al-Shabaab

 

18-10-2021

 

KISMAAYO – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa lagu soo waramayaa in Howlgalo ay ka wado Magaalada Kismaayo iyo Agagaarkeeda, ay kusoo qabatay Xubno katirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab ee halkaasi ku sugan.

Warka wuxuu ku darayaa in Howlgalada ay sii socon doonaan isla markaana haatan lagu raad-joogo Maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku sugan Magaalada Kismaayo iyo Agagaargeeda.

“Dhawaan waxaan Bulshada la wadaagi doonaa Warbixintooda oo dhameystiran iyo Shaqooyinkii lidka ku ahaa Amniga Dadka iyo Dalka ee ay ku howlanaayeen.Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed, gaar ah Bulshada Reer Kismaayo, waxaana ugu baaqeynaa inay Indho u noqdaan Ciidamada Ammaanka ayna ku Garab istaagaan Howlgallada lagu ciribtirayo Haraadiga ku dhex dhuumaaleysanaya Magaalada.” Ayaa lagu yiri Qoraalka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Dowlad Goboleedka Jubaland

Xigasho: Radio Kulmiye

Leave a Reply