Horjooge katirsanaa Ururka Al-Shabaab Oo Isku Soo Dhiibay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya

 

17-10-2021

 

BAYDHABO (SONNA) – Maxamed Kuulow Cali (Mohamed Kuulow Ali) oo katirsanaa Horjoogeyaasha Ururka Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibey Ururka 260aad, Guutada 9aad, Qeybta 60aad ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya.

Horjooge Maxamed Kuulow ayaa Maleeshiyada A-Shabaab kamid ahaa Muddo Hal Sano ah, wuxuuna ka soo howlgalay Tuulooyin iyo Deegeano hoostaga Gobolka Bokool.

Wuxuu sheegay Mudadii uu ku jiray Al-Shabaab inuu la kulmay Horjoogayaasha Sare ee Al-Shabaab, isagoona kasoo qeyb-qaatey Dagaalo Dhowr.

Horjooge Maxamed Kuulow Cali, ayaa Saaxibadiisa kula jiray Kooxda Nabad-diidka Alshabaab ugu baaqey in ay Dowladda isku soo dhiibaan, isagoona sheegey in Alshabab ay yihiin kuwa Dadka Dhiiggooda ka Macaasha.

Leave a Reply