Ergadii Soomaaliya Ee Qeybgashay Dhageysigii Go’aanka Maxkamadda Caalamiga Ee Cadaalada (ICJ), Ayaa Dib Ugu Soo Laabatay Dalka

 

16-10-2021

 

Somalia dragged Kenya to the court in 2014 after years of efforts to resolve a dispute over the 100,000 sq km area failed. PHOTO: AFP

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Maanta waxaa Magaalada Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho kasoo degay Ergadii Soomaaliya uga qeybgashay Dhageysigii Go’aanka Maxkamadda Caalamiga ee Cadaalada (ICJ: International Court of Justice) ee uu dhexeysay Soomaaliya iyo Keenya isla markaana kusaabsaneed Dacwadii Soohdinta Bada ee Soomaaliya iyo Keenya.

Ergadan waxaa hoggaaminayay Ku-xigeenka Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, waxaana Garoonka Dayuuradaha Caalamiga ee Aadan Cabdulle Cusmaan ee Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Wasiiro katirsan Dowladda Xilgaarsiinta Soomaaliya, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo Howlwadeeno kale oo katirsan Dowladda Xilgaarsiinta Soomaaliya.

Waxaa ay Ergada ka mahadcelisay Soo-dhaweyntii Maanta loogu sameeyay Garoonka Dayuuradaha Caalamiga ee Aadan Cabdulle Cusmaan ee Magaalada Muqdisho, waxeyna Ergada sheegtay in ay aad ugu riyaaqsan tahay Guushii Soomaaliya uga soo hoyatay Dacwadii Soohdinta Bada ee kala dhexeysay Keenyaatiga, ayna Maxkamadda Caalamiga ee Cadaalada (ICJ) u go’aamisay Jamhuuriyadda Soomaaliya Bishan Oktoobar, 12deedii

Sidey doontaba Maxkamadda Caalamiga ee Cadaalada ee (ICJ: International Court of Justice) wax ha u go’aamiso; waxaase Hubaashii Soomaaliya weli ka maqan Kistoo kamid ah Dhul Badeedkii ay laheyd oo Keenyaatiga loo xukumay.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaaddir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Somaliland, Jamhuuriyadda Jabuuti, Degaanka Soomaali Galbeed, iyo Degaanka NFD (Northern Frontier Districts).

 

Leave a Reply