Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Ee Qeybta 27aad Ayaa Kormeeray Degaano Kamid Ah Gobolka Shabeellaha Dhexe

 

15-10-2021

 

DEGAANKA XAAJI CALI & DEGMADA WARSHIIKH – Taliyaha Ciidanka Xooga Soomaaliya ee Qeybta 27aad Jeneraal Maxamed Axmed (Tareedisho) ayaa lagu soo waramayaa in uu Kormeer Howleed ku marayay Fariisimaha Ciidanka Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya ay ku leeyihiin Gobolka Shabeellaha Dhexe, wuxuuna Taliye Tareedisho uu gaaray Deegaanka Xaaji Cali iyo Degmada Warshiikh.

Intii uu Taliye Tareedisho uu Kormeerka ku jiray, ayaa waxaa uu Sarakiisha Ciidanka Xooga Dalka uu kula dardaarmay inay Xoojiyaan Howl-galada lagu baad baadinayo Dadka Soomaalida guud ahaantooda.

“Waxaa la idinka rabaa idinkoo u turayo Shacabka inaad sii labo jibaartaan Howl-galada lagula dagaalamayo Cadowga Ummada Soomaaliyeed ee Al-Shababaab,” ayuu yiri Jeneraal Tareedisho.

Jeneraal Tareedisho waxaa kale uu Kormeer ku tagay Xeryaha Ciidamada ee Deegaanka Qorilow oo ay ka howl-galaan Ciidamada AMISOM, gaar ahaan Qeybta 5aad ee Ciidamada Burundi, wuxuuna la qaatay Kulan Diirada lagu saarayay sidii loo sii Xoojin lahaa Howl-galada ka dhanka Al-Shabaab isla markaana loogu xoreyn lahaa Deegaannada Fara-kutiriska ah oo ay ka joogaan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

“Waxaan la qaatay Kulan, gaar ahaan Ciidamada AMISOM, si aan usii labo jibaarno Howl-galada lagula dagaalamayo Cadowga Ummadda Soomaaliyeed ee Al-shabaab waana isla qaadanay.”

Taliyaha Qeybta 27aad ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya Jeneraal Maxamed Axmed (Tareedisho) ayaa sheegay in dhamaan Howl-galadii ka socday Gobolka Shabeellaha Dhexe lagu guuleystay.

Isha Warkan: Somali Weyn News

 

 

 

Leave a Reply