Shir Laga Yeeshay Amni Darrada Magaalada Marka Kusoo Batay

 

15-10-2021

 

MARKA – Guddoomiyaha Magaalada Marka Cabdullaahi Cali Axmed Waafow iyo qaar kamid ah Ku-xigeenadiisa ayaa Maanta waxaa ay Xarunta Maamulka Magaalada ay Kulan yeesheen Odayaasha Dhaqanka Magaaladaasi.

Kulanka waxaa Diirada lagu saaray Arrimaha Aminga Iyo Guud ahaan Hormarka ka socoda Magaalada Marka iyo Degaannada Hoostaga.

Odyaasha Dhaqanka ayaa waxaa ay kala hadleen inta uu Kulanka socday Falalka Amni Darro ee Maalmihii dambe Magaalada Marka ka dhacayay, iyagoo Maamulka Magaalada ugu baaqay in wax laga qabto.

Gudoomiyaha Magaalada Magaalada Marka oo Kulanka ka hadlay ayaa sheegey in aan la Aqbali Karin Amni Darrada Baahsan ee Ku Cusub Magaalada Marka, sida ugu dhaqsiyaha badane loogu hortagi doono; wuxuuna ugu baaqay Laamaha Amniga iyo Bulshadda Magaalada Marka in ay si wadajir ah iskaga kaashadaan Odayaasha dhaqanka ayna kaalintooda qaataan.

Xigasho: Radio Risaala

 

Leave a Reply