Shir Looga Hadlay Amniga Magaalada Boosaaso

 

14-10-2021

 

BOOSAASO – Magaalo Madaxda Gobolkii Bari ee Boosaaso ayaa laga soo sheegayaa in Saakay uu ka dhacay Shir looga hadlayay Amniga Magaalada, waxaana shir-guddoominayay Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari Gaashaanle Sare Xuseyn Cali Maxamuud, iyadoona ay ka-qeybgaleen Dhamaan Sarakiisha Booliska ee Magaalada Boosaaso.

Shirka waxaa lagu soo qaaday sida ay lagama maarmaan u tahay Wada-shaqeynta Dhinacyada kala duwan ee Amaanka iyo sida loo dardargelinayo Istiraatiijiyadda Amniga, si markaasi looga hortago Falalka Dhibaatada ku ah Amaanka.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari Gaashaanle Sare Xuseyn Cali Maxamuud ayaa wuxuu ayaa si gaar ah ugula dar-daarmay Saraakiisha Amniga in ay adkeeyaan Wada-shaqeynta dhanka Amniga ee ay la leeyihiin Bulshada Magaalada Bosaaso, taasoo laga maarmaan u ah Qorsheyaasha Xasilinta Gobalka Bari.

Ugu danbeysti, waxaa uu Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari Gaashaanle Sare Xuseyn Cali Maxamuud uu sheegay in la joogteynayo Kulamada la isku weydaarsanayo Xoojinta Wada-shaqeynta Amniga isla markaana Dadaal dheer la gelin doono kor u qaadista Wacyi-gelinta Bulshada oo Sanadihii iyo Muddooyinkii la soo dhaafay si huffan ula shaqeynayay Ciidamadda ku howlan guud ahaan Amaanka Gobalka Bari, wuxuuna Hadalkiisa sii raaciyay in Bulshada ay tahay Lamataabtan.

Isha Warkan: Hiiraan Weyn News

Leave a Reply