Dowladda Mareykanka Ayaa Dalbatay in Doorashada Soomaliya Aysan Dhaafin Sanadkan 2021da

 

14-10-2021

 

MUQDISHO – Waxaa lagu soo waramayaa in Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Xilgaarsiintsa Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud uu Wada-hadalo la yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Dowladda Mareykanka ee Waaxda Arrimaha Afrika Mary Catherine Phee.

Warka wuxuu ku darayaa in Kulanka ay yeesheen Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Xilgaarsiintsa Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud iyo Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Dowladda Mareykanka ee Waaxda Arrimaha Afrika Mary Catherine Phee looga wada-hadlay Horumarka Dowladda Xilgaarsiintsa Soomaaliya ay ka gaartay Doorashooyinka socdo, iyo Arrimaha Gobolka.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Mareykanka waxey ka dalbatay Dowladda Xilgaarsiintsa Soomaaliya in Doorashada Soomaliya aysan dhaafin Sanadkan 2021da.

Xigasho: Radio Dalsan

 

 

Leave a Reply