Dib-udhac Ku Yimid Kulankii Hordhaca Ahaa Ee U Dhexeeyay Dowladda Xilgaarsiintsa Soomaaliya Iyo Golaha Nabada Iyo Amniga Ee Midowga Afrika

 

14-10-2021

 


Somalia’s government controls only a small portion of the country – it depends heavily on some 20,000 AMISOM soldiers | Tina SMOLE AFP/File

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Kulankii Hordhaca ahaa ee u dhexeyn lahaay Dowladda Xilgaarsiintsa Soomaaliya iyo Golaha Nabada iyo Amniga ee Midowga Afrika (PSC for AU), lana filayay inuu Maanta ka furmo Magaalo Madaxda jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa lagu soo waaramayaa in la baajiyay kadib markii leysku raaci waayay Qodobadii Kulanka looga hadli lahaay.

Kulanka la baajiyay, ayaa waxaa la filayay in ay shir-guddoomiyaan Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Xilgaarsiinta Soomaaliya Xuseyn Xaaji iyo Agaasimaha Maaraynta Qilaafaadka ee Midowga Afrika Fiona Lortan.

Dowladda Xilgaarsiinta Soomaaliya ayaa horay uga hortimid Go’aanka Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ee kusaabsanaa in Xasillinta Soomaaliya ay si Wadajir ah uga qeybqaadan doonaan Midowga Afrika (AU) iyo Qaraamida Midowday (UN).

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaaddir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Somaliland, Jamhuuriyadda Jabuuti, Degaanka Soomaali Galbeed, iyo Degaanka NFD (Northern Frontier Districts).

Leave a Reply