Cabsi Laga Qabo Dagaal Oo Horseeday Barakac

 

14-10-2021

 

GURICEEL – Degmada Guriceel waxaa ka jirto Xaalad Cabsi ah, taas oo ay soo food saartay Dadka ku nool Xaafadaha Degmadaasi ay ka kooban tahay, iyagoo sameynaya Barakac Xoog leh.

Dadka Deegaanka ayaa sheegay in Ciidamo katirsan Ahlu Sunna Waljamaaca ay difaacyo ka sameysteen Gudaha iyo Daafaha Degmada Guriceel islamarkaana ay wadaan Dhaq-dhaqaaqyo Ciidan.

Dadka qaar ee ka barakacay Xaafadaha kala ah Wadajir, Daryeel, Tawakal iyo kuwa kale ayaa Maanta gaaray Degaanka Ceelbaraf oo kamid ah Degaannada hoostaga Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

In ka badan 50 Reerood ayaa ka barakacay Guriceel, kuwaas oo Cabsi Xoog leh ka qaba in Dushooda ay ku wada dagaalamaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta Dowlad Goboleedka Gal-Mudug oo isku dhinac ah iyo Ciidamo katirsan Ahlu Sunna oo Guriceel ku sugan, kuwaas oo dhawaan qabsaday.

Warar ayaa sheegaya in Degmada Guriceel Gudaheeda laga dareemayo Dhaq-dhaqaaqyo Ciidan oo ay wadaan Ahlu Sunna, si ay isaga difaacaan hadii Weerar uu kaga yimaado Dhanka Dowlad Goboleedka Gal-Mudug iyo Dhanka Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Madaxda Dowlad Goboleedka Gal-Mudug iyo kan Degmada Guriceel ayaa horey u sheegay iney ka go,an tahay Gacanta ku heynta Degmada Guriceel oo hore Gacantooda si nabad ah uga baxday; waxeyna ka dhawaajiyeen iney Duulaan ku yihiin.

Xigasho: Radio Kulmiye

Leave a Reply