Kulan Uu WK Dowladda Xilgaarsiinta Soomaaliya Uu Aaladda Fogaan Araga Uu Kula Yeeshay Ergadii Soomaaliya Uga Qeybgashay Dhageysiga Kiiska Badda

 

13-10-2021

 

MUQDISHO – Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu waramayaa inuu Aaladda Fogaan Araga uu Kulan kula yeeshay Ergadii ka socotay Dalka Soomaaliya ee ka qeybgashay Dhageysiga Kiiska Dacwada Badda ee Soomaaliya iyo Keenya isla markaana ka socday Maxkamada Caalamiga ee Cadaalada ee ICJ: International Court of Justice.

Horey wuxuu Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta Soomaaliya Mudane Rooble uu u Ergadii ka socotay Dalka Soomaaliya uu ugu bogaadiyay Howsha Qaran ay qabteen, wuxuuna usii Mahad Celiyay Qareenadii ay Soomaaliya u qabsatay Kiiska Dacwada Bada ee Soomaaliya ay isku haaysteen Keenyaatiga.

Wasir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta Soomaaliya Mudane Rooble waxaa kale uu usii Mahad Celiyay Madaxdii Hore Dalka Soomaaliya, iyo Dadka Soomaalida guud ahaantooda.

Shalay Galab ay aheyd markii Maxkamadda Caalamiga ee Cadaalada ee ICJ: International Court of Justice ay Go’aanka ka gaareysay Kiiskii Dacwada Badda ee Soomaaliya iyo Keenya isla markaana ay diideysay Doodii Keenyaatiga ee aheyd inuu jiro Xad u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo la barbar ah Xariiqa Loolka.

Xigasho: Hiran Online

Leave a Reply