Jamhuuriyadda Somaliland Ayaa Lagu Martiqaaday Kulan Caalami Ah Oo Dalka Faransiiska Lagu Qabtay

 

13/10/2021

 

PARIS – Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Faransiiska Md. Cali Ismaaciil Xasan ayaa lagu martiqaaday Carwo Ganacsiyeedka ugu weyn Qaaradda Yurub oo ka dhacday Dalka Faransiiska.

Carwadan oo ay soo qabanqaabiyeen Wasaaradda Dhaqaalaha Faransiiska iyo Baanka Maalgashiga Dadweynaha (Bpifrance) oo Sannadkii Todobaad la qabtay kana soo qeybgaleen Shirkadaha Ganacsiga ugu horeeya Yurub & Caalamka, Warbaahinta, Maalgashedayaasha Gudaha iyo Dibedda ayaa Madaxweynaha Faransiiska Md. Emmanuel Macron oo lagu soo casuumay kala qeybgalay Dood dhexmartay Afar Ganacsade, kagana jawaabay Su’aalo.

Kulanka ay Khudbado ka jeediyey Dad sare u dhaafay Boqol Madax Shirkado, Xukuumado iyo Ururada Bulshada ayaa lagu soo casuumay Dadka Hawlaha Ganacsiga dhowaan bilaabay, kuwa Shirkadaha Waaweyn, Ardayda, Cilmi-baadhayaal Waaweyn oo Caalamka ka kala yimi ayaa Hadafkiisu ahaa Horumarinta Ganacsiga Caalamka iyo Is-barashada Da’yarta Berri.

Qoraal kooban oo Xafiiska JSL ee Faransiisku kaga hadlay 10 October (Oktober) Carwada iyo Martiqaadkii oo soo gaadhay Warg Dawan iyo Telefishanka Qaranka ayaa lagu yidhi,

“Safiirka Md. Cali Ismaaciil Xasan waxuu Qoraal Martiqaad ka helay BpiFrance -Qabanqaabiyeyaasha Carwada u dhignaa “Waxaan kugu martiqaadaynaa Mudane Safiir Cali inaad ka qeyb ahaato Xidhitaanka Carwada, uu goobjoog yahay Madaxweynaha Faransiiska, oo kala qeybgeli doona ganacsatada doodaha.

Kulanka oo Shirkadaha Waaweyn ee Maalgashiga Gudaha Yurub iyo Caalamku ka soo qeybgaleen ayaa Fursad uu u helay Safiirka Md. Cali Ismaaciil Xasan. Qaarkood waxuu kala hadlay una soo jeediyey Kaalin ay ka qaataan Maalgashi lagu sameeyo Dekedda Berbera oo Wakhtigan Dib-u-casriyeyn iyo Balaadhin ay ka wado Shirkada DP World, taasoo Kaalin Weyn ka qaadan doonta Koboca Dhaqaalaha Somaliland iyo Shaqo-abuurka Dhalinyarada, waxaanay u balameen Kulamo dambe oo dhexmara Madaxdii Shirkadaha Maalgelinta ay kulmeen.

Kulamada Ganacsiga iyo Shirarka Waaweyn ee Xukuumada Faransiiska soo qabanqaabiso ama Shirkadaha Ganacsiga ayaa lagu soo martiqaada Safiirka Somaliland ee Faransiiska, Md Cali Ismaacil Xasan, taasi ayaa muujinaysa Wada Shaqeynta dhow ee Xafiiska JSL la wadaago Xukuumada Faransiiska, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Dibedda isla markaana ka turjumaysa Heerka Hano-qaadka Dublamaasiyadda Somaliland ee Faransiiska,” ayaa lagu soo xidhay Qoraalka Xafiiska.

Xigasho: Wakaalada Wararka ee Jamhuuriyadda Somaliland ee SOLNA

 

Leave a Reply