Abaara Laga Soo Sheegayo Gobolada Jubooyinka

 

13-10-2021

 

KISMAAYO – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in Abaaro iyo Xanuuno aan la garanaynin ay ka jiraan Qeybo kamid ah Dowlad Goboleedka Jubaland isla markaana ay Dhibaato ba’an ay ku hayaan Xoolo Dhaqatada iyo Beeraleeyda ku sugan Qeybo badan oo kamid ah Dowlad Goboleedka Jubaland.

Axmed Madoobe ayaa tilmaamay in Abaaraha ka jira Qeybo kamid ah Dowlad Goboleedka Jubaland ay yihiin kuwo u baahan Gurmad Caalami ah iyo Gargaar Deg-deg ah oo ay helaaan Dadka tabaalaysan.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland waxaa uu ugu baaqay Dhammaan Hay’adaha Gargaarka iyo Cid Walba oo tageero ka gaysan karta Dhibaatada taagan, in ay hada tahay Xilliga ugu haboon ee Gurmad Deg-deg ah loo baahan yahay.

Ugu dambeyntii, waxaa uu Axmed Madoobe sheegay in Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka ay wado Dadaalo wax lagaga qabanayo Xaalada hada taagan isla markana Qiimaynta ay ilaa hada sameeyeen ay muujinayso in loo baahan yahay Gargaar Caalami ah oo wax lagaga qabto Saamaynta Abaaraha jira.

Xigasho: Radio Kulmiye

Leave a Reply