Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Baa Gaaray Magaalada Dhuusamareeb

 

12-10-2021

 

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa Gelinkii Dambe ee Maanta gaarey Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Gal-Mudug, Xilli uu jiro Dhaq-dhaqaaq ay Ciidamada Qalabka Sida, ay ku sugayaan Amaanka Guud ee Dowlad Goboleedka Gal-Mudug isla markaana ay hore u socdeen Howlgallo Argagaxisada ka dhan ah.

Taliye Odawaa oo ay wehlinayaan Saraakiil Ciidan ayaa lafilayaa in uu la kulmo Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Gal-Mudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Saraakiisha Talisyada kala duwan ee ku sugan Caasimadda Dowlad Goboleedka Gal-Mudug ee Dhuusamareeb.

Xigasho: Radio Muqdisho

Leave a Reply