Ciidamo Gaaray Degaan Ay Isaga Baxeen Ciidanka Ahlu Sunna

 

12-10-2021

 

DHUUSAMAREEB – Ciidamo taabacsan Ururka Ahlusunna Waljamaaca ayaa Maalmo kahor la wareegay Degaanka Ceeldheere oo 28 km Dhanka Koonfureed uga beegan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Gal-Mudug, una dhaxeeya Magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb, hayeeshee ay Xalay isaga baxeen.

Ciidamada Dowlada Federaalk ee Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedka Gal-Mudug ayaa Xalay xilli danbe gaaray Deegaanka Ceel-dheere, iyaga oo Fariisimo ka sameystay Duleedka iyo Gudaha Degaanka, sidoo kalena ay sameeyeen Howlgallo Amniga lagu xaqiijinayo.

Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedka Gal-Mudug ayaa wada Dhaq -dhaqaaqyo Ciidan tan iyo markii Ciidamada taabcsan Ahlu Sunna ay la wareegeen Degmada Guriceel, waxaana Warar soo baxaya ay sheegayaan in Ciidamadu ku wajahan yihiin Degmada Guriceel, si ay ula wareegaan.

Dhinaca kale Dadka kunool Guriceel ayaa dareemaya Cabsi ku aadan in Dushooda lagu dagaalamo, waxaana la sheegay in ay markale billaabeen inay barakacaan.

Baaqyo kala duwan ayaa laga soo saaray Xiisadda ka taagan Gal-Mudug ee u dhexeysa Ahlu Sunna iyo Dowlad Goboleedka Gal-Mudug, waxaana laga digay in Xilligaan lagu dagaalamo Bulshada ku nool Degaannada Dowlad Goboleedka Gal-Mudug.

Xigasho: Radio Risaala

Leave a Reply