Saddex Goobood Ayaa Magaalada Belad Weyne Looga Asteeyay In Lagu Qabto Doorashada Golaha Baarlamaanka

 

11-10-2021

 

BELAD WEYNE – Xubno katirsan Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal, oo tan iyo Maalintii Axadda ee Shalay ku sugan Magaalada Belad Weyne ayaa waxey Maanta kormeereen Goobaha loo asteeyay in lagu qabto Doorashada Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka.

Xubnahan oo uu hoggaaminayo Gudoomiye Ku-xigeenka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal Mowliid Mataan Salaad ayaa kormeeray Xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan, Xerada Lama Galaay iyo Taliska Qaybta 4aad ee AMISOM.

Goobahan ayaa la qorsheeyay in lagu qabto Doorashada Golaha Baarlamaanka, sida uu xaqiijiyay Guddiga Doorashooyinka.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) oo Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Belad Weyne ayaa wuxuu Kulan la qaatay Xubnaha Guddiga Doorashooyinka.

Labada Dhinac ayaa ka wada-hadlay Dardargelinta Doorashada Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka iyo Adkeynta Amniga Magaalada Belad Weyne.

Xigasho: Universal TV Somali

Leave a Reply