Kulamo Ay Guddiga Doorashada Ee Heer Fedaraal Iyo Heer Dowlad Goboleed, Ay Ka Bilaabeen Gobolka Hiiraan

 

11-10-2021

 

BELAD WEYNE – Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa wuxuu Xalay Aqalka Madaxtooyada Gobolka Hiiraan uu Casho Sharaf iyo Soo-dhaweynba uu ugu sameeyay Xubno ka socday Guddiyada Doorashada Heer Fedaraal iyo Heer Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

Casho sharafta ayaa waxaa ka-qeybgalay Masuuliyiin kala duwan oo katirsan Maamulka Gobolka Hiiraan iyo kan Magaalada Belad Weyne; iyo waliba Qeybaha Bulshada Rayidka.

Masuuliyiintii ka hadashay Munaasabada Casha Sharafta ayaa dhamaantood ka mahadceliyay Casha Sharafta uu u sameeyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Xubnahii ka socday Guddiyada Doorashada ee Heer Fedaraal iyo Heer Dowlad Goboleed ayaa Goobta ka sheegay iney ka shaqeyn doonaan sidii ay Magaalada Belad Weyne uga qabsoomi laheyd Doorasho Cadaalad ku dhacda.

Guddoomiyaha Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa Guddiga u balan qaaday inta ay joogan Magaalada Belad Weyne ay ka Maamul ahaan La-garab istaagi doonan Wadashaqeyn iyo Daah-furnaan, si loo gaaro Hiigsiga iyo Himilada Doorasho Nabdoon sidii ay uga dhici laheyd Belad Weyne, isagoona Shacabka ka dalbaday inay kala shaqeeyaan Guddiga iyo Maamulka iyo sidoo kale Laamaha Amaanka, Qabsoomida Doorasho Xor iyo Xalaal ah.

Guddigan ayaa Shalay gaaray Magaalada Belad Weyne, si ay u kormeeraan Goobaha ay ka dhici doonaan Doorashooyinka Aqalka Hoose ee Golaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Xigasho: Hiran Online

 

Leave a Reply