Is-hortaag Lagu Sameeyey Doorasho Deegaaneedka Magaalada Baraawe

 

11-10-2021

 

BARAAWE – Waxaa lagu soo waramayaa in Israsaaseyn kooban ay Shalay ka dhacday Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxeyna Israsaaseynta ay u dhexeysay Ciidamada Ammaanka Degmadaas iyo Maleeshiyaad u abaabulan Qaab Beeled isla markaana diidanaa Habka loo dhisayo Golaha Degaanka Magaalada Baraawe.

Israsaaseynta ayaa la sheegay in ay sigaar ah uga dhacday Banaanka Hoteelka Nadiir, halkaasoo ay ka socotay Doorshada Golaha Degaanka, waxaana la xaqiijiyay in Israsaaseyntii uu ku dhintay Hal Qof isla markaana uu ku dhaawacmay Askari katirsan Ciidanka Nabadsugida.

Doorashada Golaha Degaanka Magaalada Baraawe ayaa waxey bilaabay Maalintii Sabtida aheyd oo ay Bishan Oktoobar aheyd 9ka, waxaana Shalay oo Axad aheyd hakiyay Israsaaseynta.

Qaar kamid ah Dadka Deegaanka oo lala xiriiray, ayaa waxey sheegeen in Ciidamo katirsan AMISOM ay la wareegeen Amniga Goobta Doorashada ee Shalay Hakadka gashay.

Xigaasho: Daafeet News

Leave a Reply