Dagaal Ka Dhacay Duleedka Muqdisho Iyo Faah-faahino Kasoo Baxaya

 

11-10-2021

 

GUBADLEY – Warar kala duwan ayaa waxey kasoo baxayaan Dagaal Maanta ka dhacay Duleedka Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho, gaar ahaan Dhinaca Deegaanka Gubadley.

Wararka qaar ayaa waxey sheegayaan in Dagaalka uu u dhexeeyay Ciidamo kawada-tirsan Mileteriga Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya isla markaana ay Ciidamadaasi Mileteriga Dowladda Federaaliga ah ee kala hogaaminayeen Korneyl Saney Cabdulle iyo Cismaan Xaadoole oo Xilal kasoo qabtay Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ee Soomaaliya, waxaana Dagaalkooda u Sabab ahaay Muran ka dhashay Dhul ku yaalo Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Gobolka Banaadir ee Muqdisho.

Ilo Dadka Deegaanka ahna waxey sheegeen in Dagaalka uu Xoogiisa ka dhacay Agagaarka Suuqii Hore ee Xoolaha ee Xirgadheere, kaasoo ku yaalla Duleedka Degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho ee Gobolka Banaadir.

Iska Horimaatankii Maanta ee Labada Ciidan, ayna kala hogaaminayeen Korneyl Saney Cabdulle iyo Cismaan Xaadoole, ayaa wuxuu Waxyeelo soo gaarsiiyay Labadii Ciidan ee dagaalamayay. Sidoo kale wuxuu Dagaalka uu Waxyeelo soo gaarsiiya, Dad iyagane Rayid ahaay.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la sheegayaa in Goobta Dagaalka ay gaareen Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage iyo Saraakiil kale oo katirsan Ciidamada.

Isha Warkan: Radio Shabeelle

 

Leave a Reply