Xiisaddii Ka Jirtay Dowlad Goboleedka Gal-Mudug Ayaa Sii Xoogeysaneyso

 

08-10-2021

 

DHUUSAMAREEB – Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa waxey sheegayaan in Ahlu Sunna ay Ciidan hor leh geysay Aagga Deegaanka Ceeldheere oo 30 km, Dhinaca Koonfureed kaga beegan Magaalada Dhuusamareeb.

Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in Xoogaga Ahlu Sunna ay Dhaq-dhaqaaq ballaaran ka wadaan Wadada xiriirisa Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel.

Ahlu Sunna ayaa Dhaq-dhaqaaqeedaan kordhisay, kadib markii uu soo baxay Warka sheegaya in Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Gal-Mudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) uu go’aansaday in la weeraro Xoogaga Ahlu Sunna, oo 1dii Bishan la wareegay gacan ku haynta Magaalada Guriceel.

Wasiirkii Amniga Dowlad Goboleedka Gal-Mudug Axmed Macalin Fiqi oo Khamiistii iscasilay ayaa sheegay in Madaxweynuhu Dowlad Goboleedka Gal-Mudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) uu diiday in Fursad la siiyo dDdaalada lagu xalinayo Qilaafka.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo kamid ah Hoggaanka Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe ayaa sheegay inaanay doonayn Dagaal ay la galaan Dowlad Goboleedka Gal-Mudug, haddiise lagu qasbo aanay huri doonin.

Dadaalo ay tan iyo Arbacadii Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ka dhex wadeen Labada Dhinac ayaa u muuqdo kuwo guuldareystay.

Dagaal ay Dowlad Goboleedka Gal-udug la gasho Ahlu Sunna ayaa sii wiiqi doona Howlgaladii in Muddo ahba ay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedka Gal-Mudug ka wadeen Koonfurta Gobolka Mudug. Hawlgaladaas ayay Ciidamadu kula dagaalamayeen Maleeshiyada Al Shabaab.

Xaaladda Haatan ka taagan Gobolada Dhexe ayaa ku soo aadaysa, Xilli Dowlad Goboleedka Gal-Mudug ay isu diyaarineysay Doorashada Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Xigasho: Universal TV Somali

Leave a Reply