Ergo Uu Hogaaminayay Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya Ayaa Ka Degtay Magaalo Madaxda Gobolka Jubada Hoose

 

08-10-2021

 

KISMAAYO – Ergo uu hogaaminayay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliya Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa lagu soo waramayaa in Maanta ay ka degeen Magaalo Madaxda Gobolka Jubada Hoose ee Kismaayo oo hada Xarun u ah Dowlad Goboleedka Jubaland ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Warka wuxuu ku darayaa in Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Magaalada Kismaayo in ay kusoo dhaweeyeen Xilhayeeno uu horkacayay Wasiirka Wasaarada Amniga Dowlad Goboleedka Jubaland Jeneraal Yusuf Cusman Dhumaal iyo Saraakiil kale oo katirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

Soo-dhaweyynta kadib, ayaa waxaa Ergadii uu horkacayay Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage loo galbiyey Aqalka Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Jubaland, waxaana halkaasi ku soo-dhaweeyay Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Xigasho: Radio Shabelle

Leave a Reply