Ciidamo Gadoodsan Ayaa La Wareegay Kastam Ku Yaalla Mgaalada Gaalkacyo

 

08-10-2021

 

GAALKACYO – Wararka laga helayo Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, Dhinaca Dowlad Goboleedka Gal-Mudug ayaa waxaa ay sheegaya in Xalay Ciidamo hubeysan oo katirsan kuwa Daraawiishta Dowlad Goboleedka Gal-Mudug ay qabsadeen Kastamka Canshuuraha ee Gaalkacyo.

Ciidamadan oo ah kuwo gadoodsan ayaa laga war helay iyaga oo qabsaday Kastamka lagu qaado Canshuuraha ee ku yaalla Koonfurta Magaalada Gaalkacyo, iyadoona halkaas ay isaga baxeen Ciidamo Boolis ah oo halkaasi ku sugnaa, Fariisina ku lahaa.

Sababta ay Ciidanka gadoodsan kula wareegeen Kastamka Canshuuraha ee Gaalkacyo ayaa waxaa lagu sheegay inay ka cabanayaan Mushaar la’aan soo wajahday Bilooyinkii lasoo dhaafay oo aysan helin Xuquuqdii ay lahaayeen.

Dadaalo kala duwan oo lagu doonayo in Ciidanka gadoodsan ay uga baxaan Goobta ay qabsadeen ayaa socda, waxaana Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamadaas ay dalbadeen in marka hore lasiiyo Mushaarkii ay Xaqa u lahaayeen.

Warar goor hore soo baxay ayaa sheegayay in Sababta ay Ciidanka gadoodsan u sameeyeen, ay la xiriirto Is-casilaada Wasiirkii Amniga Dowlad Goboleedka Gal-Mudug Axmed Macalin Fiqi, hayeeshee Mas’uuliyiin u hadlay Dowlad Goboleedka Gal-Mudug ayaa beeniyay Warkaas.

Si kastaba dhowr jeer oo hore ayey sidaan oo kale Ciidamo katirsan kuwa Daraawiishta Dowlad Goboleedka Gal-Mudug, ay kula wareegeen Kastamka Canshuuraha ee Magaalada Gaalkacyo, iyagoona ka gadoodsan Mushaar la’aan, wallow dib loo siiyay Mushaarka, ayna ka baxeen halkaas.

Xigasho: Hiiraan Weyn News

Leave a Reply