Xiisad Dagaal Ayaa Ka Jirto Degaan Katirsan Gobolka Galgaduud

 

07-10-2021

 

BALANBALLE – Xiisad Dagaal oo u dhexeyso Labo Maleeshiyo Beeleed ayaa lasoo warinayaa in Maanta ay ka jirtay Degaanka Turbi oo hoostaga Degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud.

Xiisadan ayaa waxaa la sheegayaa in ay ka dambeysay Dilal Aanooyin Qabiil ah oo Todobaadkaan ka dhacday halkaas iyo Dagaalo soo laab-laabtay oo ka dhacay degaanka Turbi.

Maalmo kahor ayaa waxaa Degaanka ay Xiisadda ay ka jirto, lagu dilay Laba Qofood oo Rayid ahaay, waxaana la sheegay in Xiisad ka dhalatay Dilkaas ay Maanta ka jirto halkaasi.

Dadka Degaanka Turbi ayaa Warbaahinta u sheegay inay dareemayaan Cabsi la xiriirta in Dushooda lagu dagaalamo, isla markaana ay Dhibaato kasoo gaarto.

Labadii Sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa Degaannada Dowlad Goboleedka Gal-Mudug kusoo badanayay Colaad Beeleedyada, iyada oo Madaxda Dowlad Goboleedka Gal-Mudug ay ku guul dareysteen inay wax ka qabtaan Colaad Beeleedyada.

Xigasho: Radio Risaala

 

Leave a Reply