Wasiir Koowaad Rooble Ayaa Dalka Kusoo Noqday

 

07-10-2021

 

MUQDISHO – Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseyn Rooble iyo Ergadii uu hogaaminayay ayaa Galabta kusoo noqday Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho kadib markii ay booqdeen Dalka Qatar.

Wasiirka Arimaha Dibadda Dowladda Xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo ka warbixiyay Socdaalka Wasiir Koowaad Rooble ayaa wuxuu sheegay in Wasiir Koowaadka uu la kulmay Dhigiisa Dalka Qatar isla markaana ay ka wada hadleen Xoojinta Xiriirka Labada Dal.

Maxamed Cabdirisaaq, ayaa wuxuu xusay in Shirka uu u badnaa Xoojinta Xiriirka iyo Wax Wada Qabsiga, iyadoo sidoo kale laga wada-hadlay Dar-dargelinta Mashaariicda ay Dowladda Qatar ka wado Soomaaliya.

Waxaa kale uu yiri “Dowladda Qatar waxa ay taageereysaa in Doorashooyinka Soomaaliya inay ahaadaan kuwa daah furan oo ku dhaca jawi nabadeed, kuna qabsooma sida ugu dhaqsiyaha badan, sidaa darteed Dowladda Qatar waxa ay balan qaaday inay si fiican uga qeyb qaadato Kabista Miisaaniyadda Doorashooyinka iyo Amnigeedaba”.

Xigasho: Radio Muqdisho

 

Leave a Reply