Faah-faahino Ka Soo Baxaya Dagaal Ka Dhacay Deegaanka Janaale

 

07-10-2021

 

Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa Dagaal Saakay ka dhacay Gudaha Deegaanka Janaale oo katirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka ayaa wuxuu u dhexeeyey Ciidamada Dowladda iyo Dagaalyahano katirsan Al-Shabaab oo Weerar ku qaaday Qeybo kamid ah Deegaankaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Dagaalka dhex-maray Labada Dhinac uu qaatay Saacado kooban, waxaana ka dhashay Qasaare isugu jiro Dhimasho iyo Dhaawac.

Saraakiil katirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka howl-gala Degaanka Janaale ayaa waxaa ay sheegeen inay Dagaalkaas ku dileen Labo katirsanaa Raggii Weerarka soo qaaday.

Xaaladda ayaa Haatan ah mid deggan, waxaana Goobihii lagu dagaalamay ku sugan Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo Howl-gal ka wadaan Degmada Janaale.

Xigasho: Radio Shabelle

Leave a Reply