Xildhibaanno Katirsan Baarlamaanka DG Hir-Shabeelle Oo Ku Dhaawacmay Qarax Miino

 

06-10-2021

 

JOWHAR – Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa ku dhaawacmay qarax Miino oo loo dhigay, Xilli ay kasoo laabteen Munaasaabad lagu maamuusayay Sanad Guurada 5aad ee Aasaaska Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle oo lagu qabtay Magaalada Jowhar.

Maxmed Cabdi Cali iyo Cabdiraxmaan Cabdi Iidow ayaa la geeyay Isbitaalka Magaalada Jowhar, si looga daweeyo Dhaawaca kasoo gaaray Firirka Bamka sida Mustaqbal ay u xaqiijiyeen Xildhibaanno katirsan DG Hir-Shabeelle.

“Alle ayaan idiinka rajeynayaa in uu idiinka booga dhayo dhaawicii idiinka ka soo gaaray qaraxii bam baanada ahaa waxaan rajeynayaa inaad sida ugu dhaqsiyaha badan uga kici doontaan inshaa Allaah Mudane Mohamed Abdi Ali,iyo Mudane Abdirahman Abdi Iidow” sidaasi waxaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ku yiri Xildhibaan Cumar Soomane.

3dii Sebtember 2021, Magaalada Jowhar waxaa ka dhacay Qarax nuuca Bambaanada Gacanta laga tuuro oo sababtay Dhaawaca Saddex Xildhibaan oo katirsan Baarlamaanka DG Hir-Shabeelle oo kala ah Aadan Maxamed Muuse, Duwane Faarax Cali iyo Cismaan Cabdullaahi Dhoore.

Hay’adaha Ammaanka DG Hir-Shabeelle iyo kuwa Federaalka ayaa sameeyay Howlgallo ay ku raadinayaan Dadka ka dambeeya ama ay ku tuhmayaan in ay wax ka ogaayeen inkasta oo aysan soo bandhigin Natiijada kasoo baxday Baaristooda.

Xigasho: Hiiraan Weyn News

Leave a Reply