Badhosaabka Gobolka Sool Oo Ka Hadlay Halka Ay Marayso Mustaafurinta Dadka Aanu U Dhalan Dalka

 

06/10/2021

 

LAASCAANOOD (SOLNA) – Badhosaabka Gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe ayaa Shirjaraa’id oo uu qabtay waxa uu kaga hadlay Xaaladihii ugu dambeeyay ee la xidhiidha Mustaafurinta Dadka Aan U dhalan Somaliland ee ku suganaa Magaalada Laascaanood.

Badhosaabka oo u waramayay Weriyaha Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA ee Magaalada Laascaanood Cabdiqani Gadari ayaa sheegay in Mustaafurinta Somaliland ay ku samaynayso Dadka Aan U Dhalan Dalkeeda ee ku sugan Gobolka Sool ay tahay mid lagu illaalinayo Amniga Guud ee Bulshada, waxaana uu tilmaamay in Qaran kastaa uu Xaq u leeyahay inuu illaashado Muwaadinintiisa isla markaana ay Waajib Qaran tahay in waxkasta oo waxyeeli kara Amniga Guud ee Bulshada ee Hadda iyo Mustaqbalkaba ay ka hortagaan. Badhosaabka Gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe waxa uu intaas raaciyay in Muddooyinkii ugu dambeeyay Dad Badan oo Haldoor ah lagu dilay Gobolka, sidaas awgeed ay Tallaabadan qaadeen, si loo xasiliyo Amniga Bulshada ku dhaqan Degmada Laascaanood.

Badhosaabku waxa uu ugu baaqay Bulshada Aan U Dhalan Somaliland ee weli sii joogta Gobolku inay sida ugu dhakhsaha badan ay uga baxaan, isagoo sheegay inay Dambi Qaran noqonayso haddii la fulin waayo Baaqaasi. Gebogebadii waxa uu ugu baaqay Bulshada Gobolka in laga wada shaqeeyo sidii kor loogu qaadi lahaa Amniga iyo Xasilinta Magaalada Laascanood.

Leave a Reply