Wada-hadalo Ay Yeesheen Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho, Iyo Danjiraha Turkiya Ee Soomaaliya

 

05-10-2021

 

MUQDISHO – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Xarunta Safaarada Turkiya ee Magaalada Muqdisho Kulan kula qaatay Danjiraha Dalka Turkiya u fadhiya Dalka Soomaaliya Danjira Mehmet Yilmaz.

Duqa Muqdisho Cumar Filish iyo Danjire Mehmet Yilmaz ayaa ka wada hadlay Xoojinta Xiriirka Safaarada Turkiya iyo Dowladda Hoose ee Muqdisho iyo sidii Safaarada Turkiya ay Gacan ugu geysan laheyd Baahiyaha Dadka Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa Dowladda Turkiya uga mahadceliyay Taageerada ay siiso Soomaaliya, iyagoona horay Dhowr Mashaariic oo Horumarineed ugu fuliyay Magaalada Muqdisho, sida Dhismaha Waddooyinka, Xarumo Caafimaad iyo kuwo Waxbarasho.

Xigasho: Radio Shabelle

Leave a Reply