(UPDATE I) – Xog La Xiriirto Kulan Ay Yeesheen Farmaajo Iyo Abii (Abiy)

 

05/10/2021

 

ADDIS ABABA – Magaalo Madaxda Dalka Itoobiya ee Addis Ababa ayaa laga soo sheegayaa in Madaxweynaha Muddo Xilleedkiisu Dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu Magaalada Addis Ababa uu Kulan kula qaatay Wasiir Koowaadka Dalka Itoobiya Abiy Ahmed, kadib markii la shaaciyay in Wasiir Koowaad Abii Axmed (Abiy Ahmed) dib loo doortay.

Warka wuxuu ku darayaa in Labadooda ay iska xog wareysteen Arrimaha Gobolka Geeska Afrika, gaar ahaana Xiriirkooda Labo Geesoodka ah ee kasoo bilowday Bishii Juunyo Sanadkii 2018dii; kadib markii Wasiir Koowaad Abii Axmed (Abiy Ahmed) uu Muqdisho ku yimid Booqasho aan horay loo shaacin isla markaana uu Farmaajo la saxiixday Heshiis Qarsoodi ah.

Madaxweynaha Muddo Xilleedkiisu Dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Shalay u duulay Magaalada Addis Ababa, iyadoo Booqashadiisa lagu sheegay ‘Ka-qeybgalka Xafladda Caleemo Saarka ah ee Wasiir Koowaad Abii Axmed’, inkastoo ay Booqashadiisa ay ku hoos qarsoon yihiin Qorshooyin kale oo Halis ku ah Jiritaanka Dowladda Xilgaarsiinta Soomaaliya ee uu hogaamiyo Wasiir Koowaad Maxamed Xuseyn Rooble.

Qorshooyinka Halista ku ah Jiritaanka Dowladda Xilgaarsiinta Soomaaliya ee Wasiir Koowaad Maxamed Xuseyn Rooble ee uu Farmaajo la tagyay Addis Ababa, ayaa waxaa muujinayo Booqashada Rooble ee Shalay uga bilaabatay Dalka Qatar, kadib markii Dowladda Qatar lagu wargeliyay in Martiqaad ay u fidiso Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseyn Rooble.

Wixii War ah ee kusoo kordho Warkan, waxaa lagala socon karaa Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]).

Leave a Reply