Farmaajo Oo Addis Ababa Kula Kulmay Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni

 

05/10/2021

 

Madaxweynaha Muddo Xilleedkiisa Dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wuxuu Magaalada Addis Ababa uu Kulan kula yeeshay Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni.

Kulanka ayaa uga wada-hadleen Xoojinta Xiriirka Labada Dal ee ku qotoma Dhinacyada Iskaashiga Ammiga, Dhaqaalaha iyo Arrimaha Gobolka, iyaga oo xooga saaray Iskaashiga Dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Madaxweynaha Muddo Xilleedkiisa Dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxweynaha Uganda uga mahad celiyay Kaalinta Ciidamadiisa ka qaadanayaan Howlgalka ka socda Soomaaliya ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Si kastaba ha ahaatee, Farmaajo wuxuu Maanta dib ugu soo laabtay Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Xigasho: Jowhar News iyo Wakaalada Wararka ee SONNA

Leave a Reply