Madaxweynaha Muddo Xilleedkiisa Dhamaaday Ayaa Maantane U Ambabaxay Dalka Itoobiya

04-10-2021

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa laga soo sheegayaa in Maanta uu Madaxweynaha Muddo Xilleedkiisa Dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) uu u ambabaxay Magaalada Addis Ababa ee Xarunta Dalka Itoobiya.

Ujeedka Socdaalkiisa ayaa lagu sheegay in uu yahay Ka-qeybgalka Xafladda lagu dhisayo Dowladda Cusub ee Jamhuuriyadda Itoobiya, sida lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Farmaajo ayaa waxaa uu Xiriir Wanaagsan uu la leeyahay Wasiir Koowaadka Dalka Itoobiya Abii Axmed (Abiy Ahmed), waxaana Xiriirkaasi uu bilowday 16dii Bishii Juunyo Sanadkii 2018dii; kadib markii Wasiir Koowaad Abii Axmed (Abiy Ahmed) uu Muqdisho ku yimid Booqasho aan horay loo shaacin isla markaana uu Farmaajo la saxiixday Heshiis Qarsoodi ah.

Booqashada Farmaajo ee Dalka Itoobiya ee lagu sheegayo ‘Ka-qeybgalka Xafladda lagu dhisayo Dowladda Cusub ee Jamhuuriyadda Itoobiya’, ayaa waxaa ku hoos qarsoon Qorshooyin kale oo Halis ku ah Jiritaanka Dowladda Xilgaarsiinta Soomaaliya ee uu hogaamiyo Wasiir Koowaad Maxamed Xuseyn Rooble.

Wixii War ah ee kusoo kordho Warkan, waxaa lagala socon karaa Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]).

Leave a Reply