Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Ayaa Soo Gabagabeysay Doorashada Xubnaha Aqalka Sare

 

04-10-2021

 

JOWHAR – Labadii Xubnood ee ka harsanaa Xildhibaannada Aqalka Sare ku matali lahaa Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa waxaa Maanta Gelinkii Dambe lagu doortay Xarunta Dowald Goboleedka Hir-Shabeelle ee Jowhar.

Labada Xubnood ayaa kala Senator Cali Shacbaan Ibraahim iyo Senator Zamzam Cabdullaahi.

Senator Cali Shacban Ibraahim ayaa helay 62 Cod, halka Murashaxii la tartamayay ee Cabdulqaadir Xanafi uu isna helay 24 Cod. Sidoo kale Senator Zamzam Cabdullaahi ayaa heshay Codad gaaraya 77, halka Murashaxii la tartamaysay ee Naciimo Ibraahim ay ka heshay 8 Cod, waxaana Zamzam ay noqotay Mudanihii ugu dambeeyay ee ku guuleysta Kursiga 8aad ee Golaha Aqalka Sare ee Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa soo dhameystirtay dhammaan Kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Xigasho: Radio Muqdisho iyo Wakaalada Wararka SONNA

Leave a Reply