WK Rooble Iyo Ergo Uu Hogaaminayo Ayaa Booqanayo Magaalada Baraawe

 

03-10-2021

 

BARAAWE (WBW: The GBM) – Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseyn Rooble iyo Ergo uu hogaaminayo ayaa lagu soo waramayaa in ay Maanta gaareen Magaalada Baraawe oo katirsaneed Gobolkii Banaadir oo ka koobnaa Gobolka Shabeellaha Hoose, Muqdisho iyo Gobolka Shabeellaha Dhexe kahor intaanu kala jar-jarin Kelitaliyehii Soomaaliya Jen. Maxamed Siyaad Barre Sanadkii 1971dii.

Wasiir Koowaadka iyo Ergada uu hogaaminayoba, ayaa waxaa Magaalada Baraawe kusoo dhaweeyay Xubno uu horkacayay Hogaamiyaha la sheego ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo Xaqiida ay aheyd in uu ku ekaado Gobolkii Jubada Sare ee ka koobmay Baay, Bakool iyo Gedo, asiise Dhulbalaarsi loo sameeyay Sanadkii 2014tii isla markaana uu u sameeyay Madaxweynehii Hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud (Garguurte); kadibna uu ugu magac-daray waxa loogu yeero ‘Koofur Galbeed”.

Ujeedada ka dambeyso Booqashada Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseyn Rooble iyo Ergada uu hogaaminayaba ayaa tan iyo haatan la ogeyn waxa ay ku saleysan tahay.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaaddir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Somaliland, Jamhuuriyadda Jabuuti, Degaanka Soomaali Galbeed, iyo Degaanka NFD (Northern Frontier Districts).

Leave a Reply