Weftigii Wasiirrada Ahaa Ee Ku Sugnaa Laascaanood Oo La Kulmay Golaha Deegaanka Ee Degmadaasi

 

03/10/2021

 

LAASCAANOOD (SOLNA) – Weftigii uu hoggaaminaayay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa Kulan la qaatay Maanta Xubnaha Golaha Deegaanka ee Degmada Laascaanood.

Kulankan ayaa ku saabsanaa Isbarasho, Isxogwarysi Xaaladda Nabadgelyo ee Gobolka iyo sidii uu Gobolkani uu ula tartami lahaa Gobollada kale ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidoo kale intii uu Kulankani socday waxa kale oo lagu gorfeeyay sidii Amniga Gobolka oo dhan la iskaga saari laaha Xil Dheeraad ah isla markaana loola wada dagaalami lahaa waxkasta oo carqalad ku keenaaya Ammaanka Gobolka iyo ka Degmada Laascaanood.

Leave a Reply