Weerar Lagu Qaaday Bar Kontorool Oo Ay Ciidamada Dowladda Federaaliga Soomaaliya Ay Ku Sugnaayeen

 

 

03-10-2021

 

BAYDHABO – Waxaa lasoo sheegayaa in Rag hubeysan oo katirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab in ay Xalay Weerar ku qaadeen Bar Kontorool oo Ciidamo katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku leeyihiin Gudaha Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, wuxuuna Weerarka si gaar ah uga dhacay Wadada Soddonka ee Magaalada Baydhabo.

Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kooxda Weerarka soo qaaday ayaa waxaa dhexmaray Iska-hor imaad, iyadoo Dhawaqa Rasaasta si weyn looga maqlay Xaafadaha Magaalada Baydhabo.

Saraakiil katirsan Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inay iska difaaceen Weerarkii uga yimid Dhanka Al-Shabaab isla markaana uusan jirin Qasaaro ka dhashay Weerarkii Xalay ka dhacay Magaalada Baydhabo.

Xigasho: Somali Weyn News

Leave a Reply