Dowladda Somaliland Ayaa Ka Hadashy Waxa Keenay In La Dhoofiyo Dad Kasoo Jeedo Dalka Soomaaliya

 

03/10/2021

 

HARGEYSA – War lasoo gaarsiiyay Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) isla markaana laga soo gaarsiiyay Magaalo Madaxda Jahuuriyadda Somaliland ee Hargeysa ayaa waxaa lagu sheegay Sababta ay Dowladda Somaliland ay u dhoofisay Dad kasoo jeedo Jamhuuriyadda Soomaaliya, gaar ahaan Koofurta Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Warka wuxuu ku darayaa in Sababtaasi uu Daboolka ka qaaday Lataliyaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cali Maxammed Waran-Cadde, wuxuuna ku sheegay in “Dilalka ka dhacaya Gobolka Sool ay shabahaan kuwa ka dhaca Koonfurta Soomaaliya; sidaa darteedna ay Xukuumada Somaliland go’aan satay in Gobolka laga saaro Dadka Reer Koonfur Galbeed ee Soomaaliya oo mudo ku dhaqnaa”.

Lataliyaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cali Maxammed Waran-Cadde wuxuu kaloo sheegay in Dadka ku dhaqan Gobolka Sool anay Caado u lahaan jirin, in ay Madaxda laayaan; sida darteedna Xukuumadu ay Dadka Reer Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ku tuhuntay in ay ka danbayn karaan Amni Darrada Laascaanood.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wrarka Calamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaaddir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Somaliland, Jamhuuriyadda Jabuuti, Degaanka Soomaali Galbeed, iyo Degaanka NFD (Northern Frontier Districts).

 

Leave a Reply