Ciidamada Ahlusunna Ayaa La wareegay Deegaan Ku Dhaw Xarunta Dowlad Goboleedka Gal-Mudug

 

02-10-2021

 

DHUUSAMAREEB – Ciidamo Taageersan Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa lagu soo waramayaa in Maanta ay Dagaal La’aan kula wareegeen Deegaanka Ceel Dheere kadib markii ay isaga baxeen Ciidankii Dowladda Soomaaliya iyo Ciidankii Dowlad Goboleedka Gal-Mudug.

Degaan Ceel Dheere ayaa wuxuu Qiyaastii uu 30 Kiiloo Mitir uu u jiraa Xarunta Dowlad Goboleedka Gal-Mudug ee Dhuusamareeb.

Ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca ee la wareegay Deegaanka Ceel Dheere ayaa waxey ka bilaabeen Dhaq-dhaqaaqyo Ciidan, waxeyna wataan Gaadiid Dagaal oo aad badan iyo Ciidamo Deegaano kala duwan ka yimid.

Xigasho: Hiiraan Weyn News

Leave a Reply