Weerar Lagu Qaaday Taliyaha Booliska Ee Qeybta Gobolka Nugaal

 

01-10-2021

 

GAROOWE – Waxaa lagu soo waramayaa in Xalay ay Koox hubeysan ay Weerar ku qaadeen Hoyga uu Magaalada Garoowe uu ka degan yahay Taliyaha Booliska ee Qeybta Gobolka Nugaal Maxamed Aadan Jaamac.

Warka wuxuu ku darayaa in Hoyga lagu weeraray Taliyaha Booliska ee Qeybta Gobolka Nugaal inuu ku yaalo Xaafada 1da Agoosto ee Magaalada Garoowe, waxaana ka dhacday Is-rasaaseyn kooban oo dhexmartay Kooxihii hubeysnaa ee Weerarka soo qaaday iyo Ilaaladii Taliyaha; kadibna ay dib u laabteen Kooxihii hubeysnaa ee Weerarka soo qaaday.

Taliyaha Qeybta Booliska ee Gobolka Nugaal Maxamed Aadan Jaamac ayaan weli ka hadlin Weerarka lagu soo qaaday Xalay, waxaana Weerarkii Xalay uu kusoo aadayaa Xilli Taliyaha uu Shalay shaaciyay inay Gacanta ku dhigeen Nin Duleedka Garoowe ku dilay Wiil Dhalinyaro ahaa kana mid ahaa Saraakiisha Hay’adaha Amniga ee Dowlad Goboleedka Puntland, kaasoo lagu magacaabi jiray Bootaan Maxamed Bootaan.

Xigasho: Radio Risaala

Leave a Reply