Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca Oo Sheegay Ineysan Duulaan Ku Aheyn Dowlad Goboleedka Gal-Mudug

 

01-10-2021

 

GURICEEL – Gobolka Galgaduud ee Dowlad Goboleedka Gal-Mudug ee Bartamaha Soomaaliya ayaa laga soo sheegayaa iney ka jirto Dareen Kacsanaan ah kadib markii uu Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca uu isku fidiyay Qeybo kamid ah Gobolka Galgaduud.

Si kastaba ha ahaate, Ururka Ahlu Sunna ayaa wuxuu Galabta Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Guriceel, uu ku sheegay ineysan Duulaan ku aheyn Dowlad Goboleedka Gal-Mudug balse Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Gal-Mudug ay kusoo duuleen Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca.

Ugu dambeysti, Ahlu Sunna waxey Daboolka ka qaaday waxa ku dhaliyay iney dib isku soo abaabulaan, waxeyna ku sheegtay in Dowlad Goboleedka Gal-Mudug ay ka seexatay Dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Isha Warkan: Hiiran Online iyo Xog Ogaalo kale

Leave a Reply