Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca Ayaa La Wareegay Magaalada Guriceel

 

01-10-2021

 

GURICEEL – Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa laga soo sheegayaa in Ciidamo hubeysan oo taageersan Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca inay la wareegeen Magaalada Guriceel oo kamid ah Magaalooyinka ugu muhiimsan ee Gobolka Galmudug.

Magaalada Guriceel oo ay horay ugu sugnaayeen Ciidamada Dowlada Soomaaliya, ayaa la sheegay iney iskaga baxeen, iyagoo aan wax Rasaas ah ridin.

Dib usoo Laabashada Ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca ee Gobolka Galgaduud ayaa waxey sababtay in Shalay ay Dagaal Xoogan ay ka dhacaan Duleedka Magaalada Dhuusamareeb oo ah Xarunta Dowlad Goboleedka Gal-Mudug isla marakaana ay Dagaaladaasi ay ku dhintaan in ka badan 10 Qofood.

Xigasho: Hiiraan Weyn News

Leave a Reply