(UPDATE I) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Gal-Mudug Iyo Ergo Uu Horkacayo Ayaa Si Deg-deg Ugu Laabtay Xaruntooda

 

01-10-2021

 

DHUUSAMAREEB – Xarunta Dowlad Goboleedka Gal-Mudug ee Dhuusamareeb ayaa laga soo warinayaa in Maanta ay si deg-deg ah uga degeen Ergo uu horkacayay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Gal-Mudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor).

Ergada uu Qoor-qoor horkacayay ayaa waxey ka koobnaayeen Senatarro iyo Xillibaano kasoo jeedo Dowlad Goboleedka Gal-Mudug, waxeyna Dhuusamareeb gaareen Saacado uun kadib markii Ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca ay la wareegeen Magaalooyinka Guriceel iyo Matabaan.

Dib U-laabashada Qoorqoor iyo Ergada uu horkacayaba, ayaa waxaa garab socday Labo Diyaaradood oo siday Boqollaal katirsan Ciidamada loo yaqaan Gorgor, kuwaas oo loo daabulay in ay la dagaallamaan Ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca oo ay hoggaamiyaan Sheekh Shaakir iyo Macalin Maxamuud.

Qoor-qoor ayaa Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho ku sugnaa tan iyo Sagaalkii Bishii hore ee Sebtember. Hase ahaatee, 22 Maalmood kadib, ayuu Maanta dib ugu laabtay Degaanadii uu Hoggaanka u hayay, waxeyna kusoo aaday Xilli Xeero iyo Fandhaal kala dhaceen.

Sida ay sheegayaan Xogo Muhiim ah, Qoorqoor wuxuu qorsheynayaa inuu Awood Ciidan u adeegsado Xaaladda ka soo cusboonaatay Magaalada Guriceel; waxaana laga cabsi qabaa in Saacadaha hore ee Maalinta Sabtida ah ay Dagaalo Qaraar ka dhacaan Dowlad Goboleedka Gal-Mudug.

Xigasho: Keyd Media

Leave a Reply