Degenaansho Laga Soo Sheegayo Goobihii Lagu Dagaalamay Ee Gobolka Galgaduud

 

01-10-2021

 

DHUUSAMAREEB – Xaalad Degenaansho ah ayaa Saakay laga dareemayay Goobihii lagu dagaalamay ee Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya, inkastoo ay Dhaq-dhaqaaqyo Ciidan ka jiraan Duleedyada Magaalada Dhuusamareeb oo ah Xarunta Gobolka Galgaduud.

Sida ay sheegayaan Wararka, Dagaaladii Shalay ayaa waxey ahaayeen kuwo Xoogan oo Qasaare badan ay ka dhasheen isla markaana soo kala gaaray Dhinacyadii dagaalamayay, iyadoo Dagaalada ay si xoog lehne uga dhaceen Deegaanka Bohol ee Gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa intaa ku daraya in, in ka badan 10 Qofood ay ku dhinteen Dagaaladaasi; oo u dhexeeyay Ciidamada Dowlad Goboleedka Gal-Mudug iyo Uurka Ahlu Sunna Waljamaaca.

Xigasho: Radio Kulmiye

Leave a Reply