Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Iyo Wasiirka Wasaaradda Biyaha Oo Si Adag Ula Hadlay Maamulka Muqdisho

 

30/09/2021

 

BURCO (SOLNA) – Madaxweyne Kuxigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo Maanta ka qayb galay Munaasibad ay ku qalin jebiyeen Dufcadii 11-naad ee ka baxda Jaamacadda Burco ayaa si adag uga hadlay Xulashada Dad lagu sheegay in ay Somaliland ku meteli doonaan Aqalka Sare ee Maamulka Muqdisho.

Ugu horeyna Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland Md Cali Xasan Maxamed oo Munaasibadda ay ku qalin jebinayeen Ardayda dhammaysatay Kuuliyaddaha kala duwan ee Jaamacadda Burco ayaa sheegay in aan la aqbali karin in Dad Afka iyo Wejiga Duubani ay Qol yar Dhexdiisa ku sheegtaan in ay metelayaan Somaliland, iyaga oo Wejiyadooda qarinaaya cabsi darteed,waxaanu cadeeyey in aanay Dadkaasi Somaliland Metelin, isaga oo wax lala yaabo ku tilmaamay in Dadkaasi sheegtaan Somaliland oo 30 Sanno Dawlad ahayd, isla markaana Ciidamadeedu ka awood badan yihiin kuwa Somaliya, Xildhibaanadda metela iyo Madaxda hogaamisana ku doortay Hab Qof iyo Cod ah oo Safaf loo galay.

Dhankiisana Madaxweyne Kuxigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo isna Munaasibadaas ay ku qalin jebinayeen Ardayda dhamaysatay Waxbarashadda Heerka Kowaad ee Degree-ga Kuuliyaddaha kala duwan ee Jaamacadda Burco oo ahaa Dufcadii 11-naad ee Jaamacadaas ka baxda ka hadlay ayaa sheegay in aanay Dadka la xushay ee Muqdisho ku sugan iyo Dadka xushay ee Madaxa Duubtayba Aanay Somaliland Metelin, waxaanu cadeeyey in Talaabo qaran laga qaadi doono Dadkaas, madaama oo ay Khaayinu Waddan yihiin.

Madaxweyne Kuxigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa sidoo kale wax laga xumaado ku tilmaamay in Qaramada Midoobay ay Goob-joog ka noqoto Dad loo xulanaayo Hab Been Abuur ah,isla markaana aan Cidna ku Metelin Muqdisho.

Leave a Reply