Dhalinyaro Loo Xir-xiray Magaca Dowlad Goboleedka Hiiraan

 

30-09-2021

 

JOWHAR (WBW: The GBM) – Magaalada Jowhar ee hada ah Xarunta Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle oo markeedii horene katirsanaan jirtay Gobolkii Banaadir ee ka koobmay Shabeellaha Dhexe, Muqdisho iyo Shabeellaha Hoose ayaa laga soo sheegayaa in Xalay lagu xir-xiray Afar Dhalinyaro ah kadib markii uu mid kamid ah Dhalinyaradaasi lagu arkay isagoo gashan Funaanad ay qoran tahay Dowlad Goboleedka Hiiraan oo Af Ingiriisi ah.

Warka wuxuu ku darayaa in Reeraha Dhalinyarada la xir-xiray ay la hadleen Warfidiyeenada, waxeyna Warfidiyeenada u sheegeen in Wiilashooda ay Habeenkii Xalay ahaay ay si Gardarro ah ugu hoydeen Saldhiga Ciidanka Boliiska ee Magaalada Jowhar.

Sanadkii 1971dii ay aheyd markii uu Kelitaliyehii Soomaaliya Jeneraal Maxamed Siyaad Barre uu bilaabayay Kala-qeybinta Goboladii Jamhuuriyadda Soomaaliya ee markaasi ka koobmay 8da Gobol; wuxuuna ku bilaabay Gobolkii Banaadir uu u kala qeybiyay Shabeellaha Dhexe, Muqdisho iyo Shabeellaaha Hoose.

Kelitaliye Jen. Siyaad, waa uu sii waday Kala-qeybinta 8dii Gobol ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ilaa uu ka gaarsiiyo 18 Gobol oo uu kusii saleeyay Sedbuursi Qabiil.

Gobolka keliya ee uu Kelitaliye Jen. Siyaad uusan kala qeybin, waxaa uu ahaa Gobolka Hiiraan oo hada loo jeedayo Gobolka Shabeellaha Dhexe oo aheyd in Gobolka Shabeellaha Dhexe lala mideeyo Muqdisho iyo Shabeellaha Hoose maadaama ay isku wada ahaayeen Gobolka Banaadir.

Hadabo halkii dib loo sixi lahaa Qaladaadkaasi, ayaa hada lasii sharciyeynayaa Qaladaadkii Kelitaliye Jeneraal Maxamed Siyaad Barre iyo Qaladaadkii uu abuuray Xasan Shiikh Maxamuud Garguurte Mudadii la ahaa waa ‘Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya’; waxaana hada sii sharciyeynayo Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo hada la leeyahay ‘Madaxweynaha Muddo Xilleedkiisa Dhamaaday ee Soomaaliya’.

Weydiinta waxey tahay: sidee bey Jamhuuriyadda Soomaaliya ay dib ugu istaagi kartaa, iyadoo aanan dib loo sixin Qaladaadkaasi?

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaadir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho, iyo Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Somaliland, Jamhuuriyadda Jabuuti, Degaanka Soomaali Galbeed, iyo Degaanka NFD (Northern Frontier Districts).

 

 

Leave a Reply