Shir Ay Yeesheen Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Xigaarsiinta Soomaaliya Iyo Saraakiil Ka Socotay Militeriga Turkiya

 

29-09-2021

 

MUQDISHO – Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa laga soo sheegayaa in Shir ay yeesheen Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Xigaarsiinta Soomaaliya Xasan Xuseyn Xaaji iyo Saraakiil ka socotay Militeriga Turkiya oo uu horkacayay U-qeybsamaha Arrimaha Ciidanka Dowladda Turkiya ka joogo Dalka Soomaaliya.

Shirka ayaa wuxuu ka dhacay Xafiiska Wasiir Xasan Xuseyn Xaaji, waxaana looga hadlayay sidii loo xoojin lahaa Iskaashi Dhinaca Militeriga ee ka dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiya.

Saraakiisha ka socotay Dowladda Turkiya ayaa iyagane dhankooda sheegay inay sii laba jibaari doonaan Tababarka iyo Qalabeynta Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Dagaalka kula jira Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Dowladda Turkiya ayaa ka qeyb-qaato Tababarada la siinayo Ciidamada Militeriga Soomaaliya, gaar ahaan Ciidanka Kumaandooska ee Gogor, iyo Ciidanka Booliiska Gaarka ee Harmacad.

Xigasho: Radio Muqdisho

Leave a Reply