Guddoomiyaha Barlamaanka Oo Soo Gebagabeeyay Howlihii Baarlamaanka 10aad

 

29-09-2021

 

MUQDISHO – Guddoomiye Mursal ayaa soo dhameeyay Shaqadii Golaha Shacabka Baarlamaanka 10aad, isagoo qoraal u diray Ra’iisal Wasaaraha Xilgaarsiinta, Ogeysiinna siiyey Madaxweynaha Xilku ka dhammaaday.

Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka 10aad Maxamed Mursal Sheekh ayaa soo dhameeyay Shaqadii Golaha Shacabka, isagoo Liiska Sharciyadaha horyaallay, kuwii hakaday iyo kuwii socday u diray Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Xilgaariinta Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraalka Mursal ayaa ku taariikheysan 25 Sebtembar 2021, wuxuuna ku socday Ra’iisal Wasaaraha Xilgaarsiinta, iyadoo ogeysiin la siiyey Madaxweynaha Muddo Xilleedkiisu Dhammaaday ee Farmaao, waxaana lagu sheegay Xeerarkii Qabyada ahaa inay Xukuumadda Xilgaarsiinta u gudbiso Golaha Wasiirada Cusub ee Doorashda kadib, si ay Baarlamaanka 11aad ugu celiyaan.

“Madaama xukuumadda Federaalka ay ku jirto xilliga xilgaarsiinta, Golaha shacabkuna hadda u baxayo Doorasho, waxaan halkan kugu soo celinayaa Hindiseyaasha Sharci iyo Heshiisyada Warqadan ku lifaaqan, si aad ugu wareejiyo Golaha Wasiirada cusub, iyagana ugu gudbiyaan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ee 11aad” ayuu qoraalkiisa ku yiri Guddoomiye Mursal oo si toos ah qoraalkiisa ugu socday Ra’iisal wasaare Rooble.

Tallaabadan ayaa soo gebagabeyneyso Shaqadii Golaha Baarlamaanka 10aad, iyadoo ay meesha ka baxday Shakigii laga qabay in Golaha Muddo Xilleedkiisu Dhammaaday loo adeegsado Ra’iisal Wasaaraha Xilgaarsiinta ee Rooble, sida lagu tuhunsanaa inuu ku dhaqaaqi karo Madaxweynaha Muddo Xilleedkiisu Dhammaaday ee Farmaajo.

Halkan hoose waxaa yaalo Qoraalkiisa.

Xigasho: Badweyn Times

Leave a Reply